Sign in to follow this  
Deeq A.

Xizbullah Oo Soo Riday Diyaarad Ay Leedahay Israa’iil

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Israel)-Kooxda Xizbullah ayaa maanta sheegtay in dagaal-yahannadeeda ay koonfurta Lebanon kusoo rideen diyaarad aan duuliye lahayn (Drone), oo ay lahayd Israa’iil.

A0B8ECD2-10B5-493B-9087-CA0BBFA6EDB1_cx0

Bayaan kasoo baxay kooxdan ayaa lagu sheegay inay “hub ku habboon” u adeegsatay soo ridista diyaaradda, islamarkaana ay hadda gacanta ku hayso.

Millatariga Israa’iil ayaa sidoo kale ku warramay in mid ka mid ah diyaaradahooda drone-ka lagu soo riday isla aagaas, hase yeeshee ma aysan shaacin waxa sababay.

Israa’iil waxa ay sheegtay inay ahayd “diyaarad iska fudud”, islamarkaana aysan jirin wax walaac ah oo ku saabsan in xog muhiim ah laga helo.

Hoggaamiyaha Xizbullah, Xassan Nasrallah ayaa bishii tagtay ka digay in dagaal-yahannadiisa ay weerari doonaan diyaarad kasta oo Israel ay leedahay oo soo gasha hawada Lebanon.

Dhacdadan ayaa timid kadib markii Xizbullah iyo ciidamada Israel ay markii ugu horreysay muddo sanado ah is-weydaarsadeen rasaas kadib markii Xizbullah ay gantaallada lidka taankiyada ku weeraray Israel, Israal-na ay ku jawaabtay gantaallo kale.

Labada dhinac ayaa waxaa sanaddii 2006 dhex-maray dagaal socday bil.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this