Sign in to follow this  
Deeq A.

War-saxaafadeed: Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay canbaaraynaysaa xiyiraada Horyaal TV iyo Hadhwanaagnews, iyo xadhiga weriye Sayid

Recommended Posts

Deeq A.   

9th September 2019

War-saxaafadeed

Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay canbaaraynaysaa xiyiraada Horyaal TV iyo Hadhwanaagnews, iyo xadhiga weriye Sayid

Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay canbaaraynaysaa xayiraada la saaray telefishanka madaxa banaan ee Horyaal iyo websiteka Hadhwanaagnews.

6, September 2019, Booliiska Somaliland waxay albaabada u laabeen xarunta telefishanka madaxabanaan ee Horyaal. Waxaa sidoo kale la xidhay mulkiilihii telefishanka, Maxamed Cismaan Mire “Sayid” 7dii September. Majirto sabab cad oo ilaa iyo hada boolisku usheegeen telefiishanka ay xidheen. Maalintii 5ta bisha Booliisku waxaay waraysi ka qaadeen weriye Sayid oo ay wax ka waydiiyeen barnaamij hordhiciisu ka baxay telefishanka oo ku saabsan haweenka qaadka cuna.

Ma jirin wax qoraallo ah oo ka soo baxay Maxkamad ama hay’ad maamul oo la tusay madaxda telefishanka la xayiran.

Sidoo kale 3, September 2019, Maxkamadda Gobolka Hargaysi, waxay amartay in la xayiro shabakada Hadhwanaagnews kadib markii ay daabacday warar sheegaya in Gudoomiyaha Baanka Dhexe Somaliland lala xidhiidhinayo eedo musuqmaasuq. Gudoomiyuhu wuu diiday eedahaas.

Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay si adag u canbaaraynaysaa xayiraadahaas la saaray Horyaal iyo Hadhawanaang iyo xadhiga mulkiilaha Horyaal TV, oo xadgudub ku ah xorriyadda saxaafadda ee ay damaanad qaadeen dastuurka Somaliland iyo xeerarka caalamiga ahiba.

Telefishanka iyo website ka lamana siin fursad ay isku difaacaan. Xayiraadaha ay dowladdu saarto saxaafadu waa dhibaato xuquuqal insaan oo walaaceeda leh. Saxaafadda madaxbanaani waxay laf-dhabar u tahay horumarka umadda iyo dimoqraadiyadda .

Sida ku cad qodobka 32 ee dastuurka waxa mamnuuc ah dhamaan ficilada cabudhinaya saxaafadda. Xayiraada telefishanka Horyaal iyo Hadhwanaagnews waxay xadgudub cad ku tahay xorriyadda saxaafadda iyo saraynta sharciga.

Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay u soo jeedinaysaa dawladda Somaliland:

1. Inay xayiraadda ka qaado telefishanka Horyaal iyo Hadhwanaagnews, siina dayso mulkiilaha TV ga Horyaal, Mohamed Osmaan Mire “Sayid” oo ay u ogolaato inay hawshooda wataan.

2. Inay joojiso cabudhaada joogtada ah ee ay ku hayso warbaahinta.

Yaasmiin Cumar Xaaji Maxamuud

Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka

Mobile: +252 (0)634472011

http://www.hrcsomaliland.org/

Human Rights Centre condemns the closure of two media houses and detention of journalist

Human Rights Centre condemns the closure of Horyaal TV station, the detention of its owner and the blocking order against Hadhwanaagnews website.

On 6th September 2019, about 5:30 pm, the police arrived at the headquarters of Horyaal Tv and ordered the staff to leave the office. In the next morning, 7th September, journalist Mohamed Osman Mire “Sayid”, the owner of Horyaal, has been arrested by the police. No court or administrative order has been shown to the management of the television, editors and journalists present at the time of the closure told Human Rights Centre.

On 8th September, Hargeisa regional court remanded Sayid seven days into police custody. No official charges are brought against the journalist and the media house.

On 5th September, Sayid was summoned by the police who interrogated him at the Criminal Investigation Department. The police asked him questions related to a television program about Khat chewing among women in Somaliland, Sayid told Human Rights Centre before he was arrested. The police believe that the program was unethical, according to Sayid.

On 3rd September 2019, Hargeisa Regional Court issued court decree ordering internet providers to block Hadhwanaagnews after the website published a news article about corruption allegations related to the governor of the Central Bank, Ali Ibrahim Jama. The governor denied the allegation. Some of the internet providers enforced the decree.

The court issued its decision upon the request of the police following a complaint submitted by the governor. The court neither heard the argument of Hadhwanaag nor asked evidence.

The closure is a violation of freedom of media guaranteed by the Constitution of Somaliland and the international human rights law.

“Within a week the government has taken steps shutting down two privately owned media houses. This is a very serious concern. It is against the constitution of Somaliland and international human rights law,” says Yasmin Omar H Mohamoud, the chairperson of Human Rights Centre.

Human Rights Centre calls on the government of Somaliland to immediately release the owner of Horyaal tv and to lift the ban from Horyaal and Hadhwanaagnews website.

“We call on the government to stop actions that undermine media to work freely without fear of intimidation and harassment,” Yasmin added.

Yasmin Omar H. Mohmoud

Chairperson of Human Rights Centre

Mobile: +252 (0)634472011

http://www.hrcsomaliland.org/


Yasmin Omar Haji Mohamoud
Chairperson of Human Rights Centre Somaliland

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this