Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo shaacisay inay qabatay xubno Shabaab ah oo xiriir la leh Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka Daraawiishta Puntland, S/gaas Yaasiin Cumar Dheere oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidamada maamulkaasi ay gacanta ku dhigeen xubno ka tirsan Al-Shabaab, islamarkaana xiriir la leh maamulka Somaliland, sida uu hadalka u dhigay.

Taliyaha ayaa xusay in xubnaha la qabtay ay qirteen inay yihiin Al-Shabaab, islamarkaana ay isbaheysi la yihiin Somaliland.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in xubnahani lagu qabtay agab iyo dhaqaale laga keenay Somaliland, una wadeen buuraha Galgala oo ay ku xoogan yihiin Al-Shabaab.

Dhinaca kale ma jiro weli wax hadal ah ooka soo baxay dhanka Somaliland oo ku aadan raggaasi ay qabteen ciidamada Puntland.

Dhowaan ayey aheyd markii Puntland shaacisay in ciidanka Soomaliland iyo Al-Shabaab oo wada socda ay dulaan ku yihiin gobolka Sanaag.

Labadaan maamul oo daris ah ayaa waxa ay isku hayaan gacan ku heynta gobollada Sool iyo Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this