Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax khasaaro geystay oo goor dhow ka dhacay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Faah faahinno kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax gaari oo goor dhow ka dhacay agagaarka dekedda weyn ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa uu ahaa mid gaarigiisa loogu xiray sarkaal lagu magacaabo Maxamed Dhoore oo ka tirsan Booliska Soomaaliyeed, kaas oo uu dhaawac soo gaaray.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in xilliga uu qarxayey gaariga uu ku sugnaa Kaalin Shidaal oo ku taalla halkaasi.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa gaaray goobta, kuwaas oo muddo kooban hakad galiyey dhaq dhaqaaqa meesha ay wax ka dhaceen.

Radioshabelle.com kala soco, wixii soo kordha

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this