Sign in to follow this  
Deeq A.

Qoyska Mugabe Iyo Madaxweynaha Zimbabwe Oo Isku Khilaafsan Halkii Lagu Aasi Lahaa Madaxweynihii Hore

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT- Zimbabwe)-Qoyska Madaxweynihii hore ee Zimbabwe Robert Mugabe oo Jimcihii lasoo dhaafay ku geeriyooday dalka Singapore ayaa sheegay in ayna dooneyn in Mugabe lagu aaso Qabuuraha Qaranka ee ku yaalla magaalada caasimada ah ee Harare.

PNC2W5O2CFGSZO7JAC3522ZRBQ-1024x752.jpg

Dowlada Zimbabwe ayaa qaban qaabineysa xuska iyo Aaska Qaran ee loo qaban doono hogaamiyihii hore, munaasabadahaasi oo la qorsheeyey inay dhacaan Sabtida iyo Axada so socota, hase yeeshee Qoyska Mugabe ayaa sheegay in lagu aasi doono deegaankii uu ku dhashay ee Zvimba.

Mugabe oo dalkaasi kasoo talinayey tan iyo markii xoriyada qaatay, muddo 37 sano ah ayaa xukunka looga tuuray Inqilaab Militari sanadkii hore, iyadoo xilka loo dhiibay Kuxigeenkiisii hore Emmerson Mnangagwa.

Xidhiidhka Mugabe iyo Emmerson Mnangagwa ayaa ahaa mid gebi ahaan burburay tan iyo markii xilka loo dhaariyey Madaxweynaha cusub, sidoo kale Mugabe ayaa la sheegay inuu ka codsaday qoyskiisa hadii uu dhinto in dowlada ayna aaskiisa faraha lasoo gelin laguna aaso deegaankii uu kasoo jeeday ee Zvimba.

Xukuumada Zimbabwe ayaa illaa iyo hadda shaacisay in xuska wayn sabtida soo socota lagu qaban doono Stadiumka magaalada caasimada ah ee Harare, balse weli may shaacin halka uu noqon doono Qabuuraha lagu aasi doono Mugabe maalinta Axada ah.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this