Sign in to follow this  
Deeq A.

Cabdiraxmaan Ceynte oo weerar afka ah ku qaaday madaxda Villa Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee wasaaradda qorsheynta xukuumadda federaalka Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Cali Canyte oo wareysi gaar ah siiyey TV-ga RTN ayaa weerar dhanka afka ah ku qaaday madaxda Villa Soomaaliya, isagoo ka hadlay arrimaha ammaanka iyo siyaasadda dalka.

Ugu horreyn wuxuu soo hadal qaaday khilaafka dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada, gaar ahaan doorashooyinkii ka dhacay maamullada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.

Cabdiraxmaan Caynte ayaa sheegay inay isku dhegan yihiin dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, islamarkaana ay arrintani dalka u horseedeyso dib u dhac.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in madaxda Villa Somalia aaminsan yihiin in siyaasad lagu kala adkaado lagu hagi karo dalka, islamarkaana ay dadka ka soo horjeeda u arkaan cadowga dowladda.

“Madaxda dowladda federaalka waxay aaminsan yihiin siyaasad lagu kala adkaado inay dalka ku hagaan, waxay aaminsan yihiin dadka siyaasiyan uga soo horjeedo inay ka adkaan karaan, waxay kaloo u arkaan cadawga dowladda.”ayuu yiri Caynte.

Dhanka kale wasiirkii hore ee qorsheynta Soomaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in uu faraha ka sii baxayo amniga dalka, islamarkaana ay dowladdu ka gaabisay arrimaha nabad gelyada, gaar ahaan magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

Waxa kale uu sheegay in Al-Shabaab ay bilaabeen lacago canshuuro ah oo la mid ah kuwa dowladda ay ka qaado ganasatada Soomaaliyeed, sida uu hadalka u dhigay.

Ugu dambeyn wuxuu ka dalbaday Madaxweynaha Soomaaliya inuu ka dhabeeyo hadalkiisa ahaa inuu noqonayo nabadoon Soomaaliyeed oo isu keenayo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed.

“Madaxweynaha asigaa dalka u weyn oo oday noo wada ah, si kasta oo looga aragti duwan yahay, asigaa ixtiraamka iyo qabtii Soomaalinimada ku fadhiya inuu dadka soomaaliyeed madaxda u yahay, kuwa taageersan iyo kuwa ka soo horjeedo inuu isugu yeero, sida uu Garowe ka yiri ee ahaa Nabadoon Soomaaliyeed ayaa rabaa inaa noqdo, waxaa uga fadhinaa Madaxweynaha Nabadoonimadii uu uga yaboohay caleema saarkii Madaxweyne Deni, nabadoonimada waa in dadka kaa aragti duwan inaa qol la soo fariisato oo aad la hadasho, laakiin haddaad aaminsan tahay dowladnimada ayaa sharci ku siineysa inaad dadka ka soo adkaadid, Soomaali haddii la kala adkaan karo meeshaan lama soo gaareyn, marka la soo kala adkaan waayo waa la isku baaba’ay, meeshaas in naloo celiyo ayaan darro ayay dalka ku tahay.” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyey wasiirkii hore ee wasaaradda qorsheynta, Cabdiraxmaan Caynti.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this