Sign in to follow this  
Deeq A.

Raysal Wasaare Boris Johnson Oo Cadaadis Kala Kulmaya Xisbigiisa Iyo Wasiir Is-casilay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-London)-Raysal wasaaraha UK, Boris Johnson ayaa weli xal u hayn cadaadiska uu kala kulmayo Baarlamaanka iyo waliba qeyb kamid ah xisbi Xaakimkiisa Conservative Party oo ay xubno badan kasoo horjeedaan qorshihiisa ah in Wadankaasi isaga baxo EU-da iyadoo aan wax heshiis ah lala gelin dalalka kale ee Midowga Yurub.

Boori.png

Boris Johnson ayaa toddobaadkii lasoo dhaafay waji gabax kala kulmay Baarlamaanka oo ansixiyey mooshino ka dhan ah Xukuumadiisa, iyadoo ay Aqlabiyada Xildhibaanada diideen qorshaha Brexit oo ay xukuumadiisa soo bandhigtay, mooshinadan cusub ayaa yimid kadib markii Boris uu ku dhawaaqay in la kala diray Baarlamaanka illaa bartamaha bisha Oktoober, go’aankaasi oo uu doonayey inuu Golaha Wakiilada awooda uga xayuubiyo inta laga gaarayo bisha soo socota oo ah wakhtiga loo qabtay in dalkaasi isaga baxo EU-da.

Taageerayaasha Johnson ayaa aaminsan in aysan khasab ahayn in heshiis lala galo dalalka Midowga Yurub, hase yeeshee arrintan ayey halis u arkaa Xildhibaanada mucaaridka iyo waliba qaar kamid ah xisbi xaakimka oo aaminsan in heshiis la’aan uu dalka UK go’adoon dhaqaale geli doono.

Xiisadda Xisbi Xaakimka

Boris Johnson ayaa xisbigiisa ka saaray 21 xildhibaan oo kamid ahaa kuwii u codeeyey mooshinkii la ansixiyey arbacadii lasoo dhaafay, mooshinkaasi oo ku khasbaya xukuumadiisa inaysan ka bixi karin Midowga Yurub illaa heshiis laga gaarayo.

Xubnaha uu xisbiga ka saaray ayaa waxaa kamid ah Xildhibaano si weyn dalkaasi looga yaqaan, go’aankan ayaa keenay inay xilalka iska casilaan qaar kamid ah Wasiirada Boris oo uu ku jiro Walaalkiis, waxaana ugu danbeysay Wasiirada iscasilay Wasiirka Shaqada Amber Rudd.

Wasiirka Shaqada, Amber Rudd ayaa warqadeeda iscasilaada ku sheegtay inay si weyn uga soo horjeedo Xildhibaanada laga saaray Xisbi Xaakimka, go’aankaasi Boris Johnson oo ay ku tilmaamtay “Fal Fowdo ka dhex abuuray Xibsiga talada haya”.

Raysalwasaaraha ayaa hada doonaya in Baarlamaanka uu ka codsado in ay ansixiyaan qabashada Doorasho deg deg ah, si uu u helo taageerada shacabka ama Aqlabiyada Baarlamaanka taasi oo u fududeyn doonta hirgelinta qorshihiisa Brexit, hase yeeshee wuxuusan hada weli heysan codod ku filan Golaha Wakiilada oo ay tahay inay ansixiyaan qabashada doorashada Guud.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this