Deeq A. Posted September 9, 2019 Afgooye (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya weerar ay rag hubeysan xalay ku qaadeen qeybo ka mid ah deegaanka Lambar Konton ee gobolka Shabeelaha Hoose Weerarka oo ahaa mid gaadma ah ayaa waxaa la sheegay in lagu ekeeyey xarun ciidamada Milatariga Soomaaliya ay ku leeyihiin duleedka deegaankaasi. Sidoo kale wararka qaar ayaa sheegaya in sarkaal ka tirsan ciidanka dowladda ay waxyleeyo ka soo gaartay weerarkaasi. Dhinaca kale ciidamada Milatariga Soomaaliya ayaa saaka howlgallo ballaaran ka sameeyey deegaanka Lambar Konton, kuwaas oo lagu baadi goobayey raggii ka dambeeyey weerarkaasi. Blse ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada dowladda ee gobolka Shabeelaha Hoose View the full article Share this post Link to post Share on other sites