Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye hore oo ka hadlay amniga Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

 

Muqdisho  (SMN) – Guddoomiyihii hore ee maamulka degmada Dharkenyley Macalin Cabdulle Cali Hilowle oo wareysi siiyey Idaacadda Shabelle ayaa ka hadlay arrimaha ammaanka ee magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Ugu horreyn guddoomiyaha ayaa ku taliyey in la xoojiyo wada shaqeynta shacabka iyo hay’adaha amniga ee dowladda Somalia.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay muhiim u tahay nabad galyada in shacabka wax weliba oo ay ka shakiyaan la soo wadaagaan ciidamada ammaanka, si looga hortago falalka amni darrada.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo maalmihii dambe ciidanka Booliska Soomaaliyeed ay xoojiyeen amniga magaalada Muqdisho.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this