Deeq A. Posted September 9, 2019 Jowhar (SMN) – Wararka naga soo gaaraya Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in xalay barakac uu kabilodway qeybo ka mid ah gobolkaasi. Dadka ku dhaqan deegaanka Jameeca ayaa bilaabay inay isaga cararaan halkaasi, kadib markii ay arkeen diyaarado ku socda joog hoose. Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in diyaaraduhu ay haayeen labo, islamarkaana ay walwal iyo cabsi ku abuurtay inay duqeymo ka geystaan halkaasi. Xaaladda ayaa saaka degan, waxaana dib ugu soo laabtay guryahooda dadkaasi oo reer guuraa ah. Inta badan waxaa koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya duqeymo ka dhan ah Al-Shabaab ka geysta diyaarada dagaalka Mareykankanka. View the full article Share this post Link to post Share on other sites