Sign in to follow this  
Deeq A.

Kheyre oo doonaya inuu xildhibaan Mustaf Dhuxuloow ku badalo Gaambe

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)- Sida ay ogaatay Caasimadda Online, ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa doonaya inuu ka taqaluso xildhibaanka jufadiisa ku matala Golaha Shacabka Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow, kaas oo waqti dheer ahaa mudane ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Labada nin ayaa la sheegaya in aaney mudooyinkii lasoo dhaafay isku fiicaneyn. Xiriirkooda ayaa xumaaday kadib markii Xasan Cali Kheyre uu kala hadlay qaar ka mid ah odayaasha Habar Ceyno sidii Mustaf looga qaadi laha xildhibaanimada 2021. Wuxuu Ra’iisul wasaare Kheyre doonaya in kursiga la siiyo Cabdikariin Gaambe oo ah maamulaha Hotelka Jaziira ee ku yaala Muqdisho.

Gaambe oo ka mid ah dalaaliinta waaweyn ee Villa Soomaaliya la shaqeysta xiligaan, waxey ilmo adeero dhow yihiin Ra’iisul wasaare Kheyre. Gaambe ayaa siyaasadda ku milmay tan iyo markii uu Dalka Ra’isul wasaare ka noqday Xasan Cali Khyere ,waxayna taas u suurta gelisay inuu helo fursado badan oo uu ku qaato Mashaariic, waxaana sidoo kale si weyn usii saaciday xaaska Madaxweyne Farmaajo.

Loollan addag ayaa durba soo baxaya oo la xiriira kursiga xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow. Beesha Habar Ceyno waxey Golaha Shacabka ku leedahay labo kursi. Mid ka mid ah kuraastaas waxaa ku fadhiya Cabdulaahi Gaafoow, oo muxaafid weyn u ah Kheyre. Sababta Gaambe u raadinaayo kursiga Dhuxuloow waxaa lagu sheegay inuu doonaayo inuu qeyb ka noqdo ololaha Xasan Cali Kheyre uu ku doonaayo inuu madaxweyne kaga noqdo Soomaaliya 2021.

Sida ay dad xogogaal ah u sheegeen Caasimadda Online, waxaa arrintaan ku kala jabay odayaasha beesha Habar Ceyno, oo qaar badan ay soo jeediyeen inuuu Mustaf Dhuxuloow wax badan qabtay intii uu xilkaas hayay uuna mudanyahay inuu sii joogo, halka qaar kale oo Ra’iisul wasaaraha iyo Gaambe la kulmay ay ku doodayaan in la gaaray xiligii uu bixi lahaa.

Wixii kusoo kordha arrintaan kala soco Caasimada Online.

Caasimada Online
Xafiiska-Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this