Deeq A. Posted September 9, 2019 Baydhabo (SMN) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa beer ku taalla duleedka Baydhabo kula kulmay dhalinyarada ku dhaqan magaaladaasi. Ugu horreyn dhalinyarada ayaa Ra’iisul wasaaraha uga warbixiyey baahyahooda dhanka waxbarashada iyo caafimaadka, iyagoona ka dalbaday inuu wax ka qabto. Dhankiisa Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa kula dardaarmay dhalinyarada inay is abaabulaan, islamarkaana ay ka qeyb qaataan dib u dhiska dalkooda. Sidoo kale wuxuu u ballan qaaday in xukuumaddiisa ay siin doonto fursad, islamarkaana ay garab taagnaan doonto mar weliba. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article Share this post Link to post Share on other sites