Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Ciidamada dowladda oo qaraxyo fashiliyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Beledweyne (Caasimada Online) – Ciidamada Milatariga Soomaaliya ayaa saacadihii la soo dhaafay fashiliyey qaraxyo lagu aasay qeybo ka mid ah degmada Buulo-Burte ee gobolka Hiiraan.

Qaraxyada oo ahaa Miino ah ayaa waxa ay saraakiishu u soo bandhigeen warbaahinta, kadib howlgallo ay ka sameeyeen degmadaasi.

Saraakiil ka tirsan kuwa dowladda ayaa sheegay in qaraxyadaasi lagu aasay suuq lagu iibiyo qaadka, kuna guuleysteen in ay soo saaraan miinooyinkaasi.

Sidoo kale saraakiisha ayaa sheegay in shacabku ay la soo wadaageen xogta qaraxyadaasi, islamarkaana ay uga mahadcelinayaan wada shaqeynta ay la leeyihiin ciidanka amniga.

Muddooyinkii dambe ayaa waxaa falal liddi ku ah nabad galyada ay ka dhacayeen degmada Buulo-Burte oo inta badan weeraro culus ay ku qaadaan dagaalyahannada Al-Shabaab.

4-21.jpg cc.jpg ggg.jpg iii.jpg

Caasimada Online
Xafiiska Beledweyne
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this