Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland oo war ka soo saartay xiriirka ka dhaxeyn kara kooxda Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa si adag uga hadashay eedihii ay maamulka Puntland ula xiriiriyen kooxda xagjirka ah ee Al-shabaab.

Cabdirisaaq Siciid Bullaale, Abbaanduulaha koowaad ee ciidammada Somaliland ayaa sheegay in Somaliland aysan marnaba xiriir la laheyn kooxda Al-shabaab, isagoona xusay in kooxdaasi aysan saldhig ku laheyn deegaanadooda.

Abbaanduulaha koowaad ee ciidammada Somaliland oo warbaahinta la hadlay isagoo ku sugan degmada Badhan ayaa waxa uu yiri “Waxaanu ka jawaabaynaa hadalladii deel-qaafka ahaa ee uu Taliyaha Ciidammada Puntland uu bishan Shanteedii Badhan kaga hadlay, hadalladaas oo ahaa inuu Somaliland ku tilmaamay Al-shabaab ama inay Somaliland iyo Al-shabaab iskaashadaan”

“Midaa haddii aan ka jawaabo runtii Caalamku wuu ogyahay in Dawladda Somaliland aanay Al-shabaab iyo Budhcad-badeed midna Saldhig ku lahayn, deegaanna ku lahayn, Xidhiidhna la lahayn, kana Caagan yihiin”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Taliyaha Ciidammada Puntland waxaan leeyahay hoos u eeg degaankaaga, halkay deggan yihiin, intay kuu jiraan iyo inta goobood ee ay ku leeyihiin halka aad sheeganayso iyo Ciidanka aad xukunto intay u jiraan”.

“Waxaan ka hadlayaa inuu Badhan ku sheegay Caasimadda labaad ee Puntland, maanta ka hadli mayno in Badhan ay Somaliland tahay, laakiin waxaan u sheegaynaa Taliyahaa in Xadka Somaliland uu Boosaaso u jiro 15KM, Qardhana uu u jiro 7KM, Garoowe-na uu u jiro 5KM”.

Taliyaha ciidamada Daraawiishta Puntland, Sarreeye Gaas Yaasiin Cumar (Dheere) ayaa dhawaan waxa uu Somaliland ku eedeyay inay kaashaneyso kooxda Al-shabaab, isla markaana ay duulaan ku yihiin degmada Badhan, isagoona carabka ku adkeeyay inaysan marnaba Puntland weerar aheyn oo ay iska difaaci doonto cidkasto oo dulaan ku soo qaada.

Mas’uuliyiinta ugu sarreysa Somaliland iyo Puntland ayaa inta badan dhanka warbaahinta isu mariya eedeymo culus, kuwaasi oo marar badan ciidamadoodu ay ku dagaalameen gobolada Sool iyo Sanaag, oo ay ka taagantahay xiisada labada maamul.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this