Sign in to follow this  
Deeq A.

BERBERA: 8 Ka Mid Ah Wakiillada Maraakiibta Oo Xabsiga Loo Taxaabay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-8 Qof oo ka mid ah Shaqaalaha ka hawl-galayey Xafiisyada Wakiillada Maraakiibta ee Magaalada Berbera ayaa Xabsiga loo taxaabay.

8-da Qof ee la xidhay ayaa la sheegay inay ka dhego adaygeen Awaamiir ka soo baxay Xukuumadda, gaar ahaana Wasaaradda Ganacsiga, sida uu sheegay Isku-duwaha Wasaaradda Ganacsiga ee Gobolka Saaxil, Siciid Jaamac Waaberi.

“Waxaan kuu xaqiijinayaa inaanu Saaka soo xidhnay Wakiillada Maraakiibta, tirada xidhana waa 8 Shaqaalaha..” ayuu isku-duwaha Wasaaradda Ganacsiga Somaliland oo la hadlayey Warbaahinta Dawladda

Isku-duwuhu wuxuu faahfaahiyey Sababta loo xidhay 8-da Qof “Nimankaasi waxay Baal-mareen Sharcigii iyo Awaamiirtii Dawladda, waxay diideen inay fuliyaan oo way ka dhego-adaygeen Digreetadii Wasiirka Ganacsiga..” ayuu yidhi, isku-duwuhu.

Isku-duwaha Wasaaradda Ganacsiga ee G. Saaxil, Siciid Jaamac Waaberi.

Wakiillada Maraakiibta ayaa hore shaqo-joojin u sameeyay, ka dib markii Xukuumaddu amartay inay wax ka dhimaan Kharashaadka ay ka qaadaan Alaabooyinka ay Ganacsatada uga soo dejiyaan Maraakiibta.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this