Sign in to follow this  
Deeq A.

Boqor Salmaan Oo Wiilkiisa U Magacaabay Wasiirka Macdanta Sucuudiga

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Riyadh)-Boqorka Dalka Sucuudiga ayaa Wasiir cusub u Magacaabay Wasaaradda Macdanta ee dalkaasi, ka dib markii uu Xilkii ka qaaday Wasiirkii hore ee Wasaaraddaasi.

Wo-08-SEP-Abdulaziz-bin-Salman-1024x575.

Boqor Salmaan ayaa Wasiirka Wasaaradda Macdanta ee Sucuudiga u Magacaabay Wiilkiisa Amiir Abdulaziz bin Salman, kaasi oo sida la sheegay ka mid ah Dadka xilligan ugu awoodda badan Boqortooyada Sucuudiga.

Abdulaziz bin Salman ayaa xilka Wasaaradda Macdanta kala wareegaya Khalid Al Falih oo hore xilka Wasaaraddaasi muddo dheer hayey, balse uu Boqor Salmaan xilka ka qaaday toddobaadkan.

Warkan ayaa waxa Axadda Maanta baahisay Wakaaladda Wararka ee Boqortooyada Sucuudiga ee Magaceeda loo soo gaabiyo SPA, taasi oo soo xiganaysa Digreetadii ka soo baxday Boqortooyada Sucuudiga, sida uu sheegayo Wargeyska The National oo ka soo baxa Imaaraadka Carabta.

Wargeysku wuxuu sheegayaa in haddii la beddelay Wasiirkii Macdanta ee Sucuudiga aan la beddelin Siyaasaddii lagu maamulayey Shidaalka Sucuudiga.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this