Sign in to follow this  
Deeq A.

Dedaalo Dib Loogu Bilaabayo Wada-hadalladii Xukuumadda Madaxweyne Biixi Iyo Kornayl Caarre Oo Bilaabmay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Dedaalo iyo Shirar lagu sii amba qaadayo dhex-dhexaadiintii hakadku ku yimid ee Xukuumadda iyo Col Caare, ayaa la wadaa.

1-12.jpg

Masuuul ku dhowdhow hawshan oo ka gaabsaday in magaciisa la sheego ayaa Geeska Afrika u xaqiijiyay inay socdaan dedaalo iyo shirar xal loogu raadinayo qaddiyadda Col. Caare, isagoo muujiyay inuu ku rajo weynayahay in is afgarad iyo heshiis rasmi ah lagu soo gunaanado arrinta u dhaxaysa xukuumadda Madaxweyne Biixi iyo taliye Caare, “Waxa la wadaa dedaalo iyo shirar xal lagu raadinayo.” Ayuu yidhi masuulkani isagoo intaas raaciyay, “Waxaan ku rajo weynahay in is afgarad, wanaag iyo khayr inay hawshaasi inoogu dhammaato, mana aha weli hawl bislaatay oo saxaafadda loo soo bandhigi karo, laakiin meel wanaagsan inay wax marayaan ayaan kuu sheegayaa.”

Madaxda dhaqanka ee Beelaha West Burco Clan oo hore ula soo kulmay Col. Caare, ayaa ka baxay dhexdhexaadintii ay wadeen ka dib shir saxaafadeed uu qabtay taliyaha guud ee ciidanka qaranka sareeye gaas Nuux Ismaaciil Taani oo Col. Caare ku eedeeyay dambiyo iyo khiyaamo qaran, hadalkaas oo abuuray dareen xaasaasi ah.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this