Deeq A. Posted September 8, 2019 Dagaal Wakiileed (Proxy War) Waa ay muuqdaan ifafaalayaashii iyo geddii lagu yiqiin oo idili. Urta dellegan ee silloon ee ina saaqaysaa waa tiisii. Maryo-dhagareed ayuu dahab dusha kaaga sibbaaqaa oo qurxiyaa, heddaadana waa uu jaraa. Dano dhaqaale ayaa had iyo jeeraale horseed ka noqda dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo shirqoollo qorshaysan jiidanaya. Waa “dagaal wakiileed” (proxy war). Si looga dhex fushado dano dhaqaale iyo qorshayaal dahsoon oo siyaasadeed ayaa ummad negayd gorrodda la isugu geliyaa oo dirir aan cilinkeeda la furdaamin karin lagaga dhex oogaa. Jilayaasha dagaal wakiileedka urtiisu soo kakamayso waxa kala hoggaaminaya UAE iyo Qatar. Waa uu wejiyo badnaan doonaa. Labada dhinac qolo kastaa waxa u abuurmaya fursado u sahli kara fulinta qorsheyaashooda dhagaraysan. Waxa geeska Afrika yaalla, gaarna ugu xabaalan dhulka Soomaalidu weynaa. Dagaalkii qaboobaa ee Bariga iyo Galbeedka (USA iyo USSR) ayaa gobolka eelo badan ku sii aasay. Ayax teg eelna reeb. Waa ay xabaalnaayeen, waana kuwaas hadda la soo gufayo. Marka laga tago tartanka USA iyo China ee maanta ee Afrika, gaar ahaan Geeska Afrika, waxa ka sii aayo-daran dagaal wakiileedka ka soo gudbaya Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ee waddamada Khaliijka oo tartankaas ku xidhan. Abu Dhabi, Riyaad iyo Qaahiri si gaar ah ayay jaanta isu la haystaan. Afrikada Bari iyo ta Waqooyi ba waxa ay ka samaysteen saldhigyo milateri ama maalgashi dhaqaale ama labadaba. Somaliland, Eritrea ilaa Libya fadadku waa ay is haystaan. Qatar, Turkiga iyo Iiraan na waa dhinaca kale oo waa ka horjeedka qoladaas hore. Muqdisho ilaa Djibouti dabku waa isu baxayaa. Yemeni waxa ay noqotay cadaabtii dagaal wakiileedkaas. Dagaal wakiileedku waxa uu bulshooyinka u kala dhambalaa kooxo iska soo horjeeda oo labada xoog ee tartamaya ee hirdanka guud ka dhexeeyo la kala safan oo gacan-saar la kala yeesha. Iyaga (xoogagga shisheeye) oo adeegsanaya sandareerto dhaqaale ayay bulsho inteeda yar iskaga qanacsanaan jirtey “balag” uga lulaan meel fog. Kaas (dagaal wakiileedka) oo la soo waarido ama dhoofiyo ayaa la falgala is diiddooyinkii dabiiciga ahaa ee la yaalley bulshadaaasi, ayna ula noolaan jirtey qabatin ahaan sida “cudurka macaanka”, ee ay furdaamintooda u fara-dhuubnayd. Waxa soo gala oo bulshadaas la soo dersa ged cusub iyo wax aan cilinkiisa la saari karin oo meel kale iyo cid kale oo aan kuu muuqani ay maamulayso. Waa dagaal wakiileed (proxy war) waxaasi, waanay muuqdaan ifafaalayaashiisii. Hargeysa ayay iiga bidhaamayaan. Somaliland yaan loo soo rarin is diiddooyinka iyo dagaalka u dhexeeya UAE iyo Qatar. Uma hayno misko lagu qaado! Abba looma hayo. “Goldalooladaaduu nin ogi galagalaystaaye Aduun bayse kaa go’an yihiin maalmahays guraye Godan baa la yeeshaa xadhkaha haysku wada giijin”. Maxamed Baashe X. Xasan mohamedbashe@hotmail.com Qaran News Share this post Link to post Share on other sites