Sign in to follow this  
Deeq A.

Meydka sarkaal ka tirsanaa AMISOM oo laga helay Xalane

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Sarkaal Boolis oo u dhashay dalka Uganda, kana tirsanaa ciidamada AMISOM ayaa meydkiisa laga helay xarunta Xalane, iyadoo uu socdo baaritaan la xiriira sababta geeridiisa.

Edward Bagonza ayaa ka mid ahaa ciidamada Booliska AMISOM, waxaana saraakiisha howlgalka Midowga Africa sheegeen in meydkiisa oo la helay shalay oo sabti aheyd la dhigay qeybta baaritaanka meydadka ee isbitaal ku dhex yaalla Xalane.

Qoraal kooban oo ay soo saartay AMISOM ayaa lagu xaqiijiyay dhimashada sarkaalka Booliska, balse ma aysan bixin fahfahain dheeraad ah oo ku saabsan, sida uu u dhintay, maadaama uu socdo baaritaan.

Dowladda Uganda ayaaan wEli ka hadlin arintan, balse waxaa la filayaa in meydka Edward Bagonza loo qaado dalkiisa hooyo, si loogu aaso.

Askarta u dhashay Uganda ayaa ah kuwa ugu badan Militariga iyo Booliska AMISOM, iyadoo ay horey u jireen dhowr askari oo isku dilay Xalane, halka kuwa kale ay noloshooda ku waayeen weerarada Al-Shabaab.

Sanadkii 2017, 16 Askari oo u dhashay Uganda ayaa lagu dilay Koonfurta Soomaaliya, kuwaas oo ku baxay gacanta Al-Shabaab.

Afhayeenka ciidamada Uganda Richard Karemire ayaa sheegay in dhowr sarkaal oo qeyb ka ahaa AMISOM lagu dilay weeraro ka dhacay Buulo-Mareer iyo Golweyn oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Uganda ayaa ah dalkii ugu horreeyay oo ciidamadiisa yimaadeen gudaha Soomaaliya sanadkii 2007-dii.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this