Deeq A. Posted September 8, 2019 Balcad (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgallo ciidanka Milatariga Soomaalia ay ka wadaan qeybo ka mid ah gobolka Sh/Dhexe. Howlgallada oo ah kuwa ballaaran ayaa waxa ay maanta ciidamadu ka wadaan inta u dhexeysa degmooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolkaasi. Ujeedka howlgalladan ayaa lagu sheegay in ay yihiin kuwa Miino baaris ah, si looga hortago weerarada qaraxyada iyo kuwa tooska ah ee ay geysato Al-Shabaab. Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa Shabelle uga warbixiyey baaritaaanadaasi, wuxuuna sheegay in aysan ku yeelan wax saameyn ah. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Cod-Goobjooge.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites