Sign in to follow this  
Deeq A.

XFS oo baaq u dirtay ergada shirka Galmudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (SMN) – Wasiirka Arrimaha Gudaha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Cabdi Maxamed Sabriye, ayaa waxa uu ku tartarsiiyey ergada shirka dib u heshiisiinta Galmudug in ay ka miro dhaliyaan shirkaasi.

Mr Sabriye oo hoosta ka xariiqay in ay dedaali doonan in xal waara laga gaaro tabashooyinka hoose oo ay beeluhu kala tirsanayaan ayaa dhankooda ku booriyey in ay kaalin ka qaatan fulinta qodobada lagu heshiiyo.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu ku nuux-nuux saday in dowladda ay diyaar u tahay in ay fududeyso wax kasta oo la xiriira dhanka farsamada oo looga baahdo, wuxuuna rajo fiican ka muujiyey in shirku guuleysto.

Shirka dib u heshiisiinta Galmudug ayaa waxaa todobaadkii hore si rasmi ah u furay ra’iisul wasaaraha dalka, mudane Xasan Cali Khayre, kaasi oo kula dardaarmay dhinacyadda in ay ka miro dhaliyaan yoolka umadda Soomaaliyeed.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this