Sign in to follow this  
Deeq A.

Marwo Edna Aadan Oo Kulamo La Yeelatay Masuuliyiinta Dalka Canada

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Canada)-Drs Edna Aadan oo ah ergayga Somaliland u qaabilsan wadahadalada Somalia iyo Somaliland oo booqasho ku joogta dalka Canada oo ay casuumeen ururka Canadian Somaliland affairs committee oo ah urur dhalinyaro ah oo ay xubno ka yihiin Guuleed Axmed Cagdheere, Xasan Daahir Aadan, Axmed Xaaji Cali iyo xubno kale oo badan.

Drs-Edna-Aadan.jpg

Waxaanay Edna Aadan intii ay dalkaasi ku sugnayd ay la kulantay Masuuliyiinta dawlada Hoose ee Toronto iyagoo ka wadahadalay arimaha Somaliland iyo sidoo kale wadankaasi Canada gaar ahaana arimaha Jaaliyada iyo sidoo kale arimaha dhaqan dhaqaalaha.

Drs Edna Aadan ayaa intii ay ku sugnayd dalkaasi waxa ay sidoo kale la kulantay qaybaha kala duwan ee bulshada oo ay kulamo la yeelatay masuuliyiinta magaalooyinka Canada gaar ahaana magaalada Toronto.

Sida ay muujinayso xog ay warbaahinta la wadaageen ururkaasi Canadian Somaliland Affairs Committee.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this