Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Al-Shabab oo soo bandhigtay qeybtii 2-aad ergo ay ku jiraan haween

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa markale deegaanka Buq Aqable ee gobolka Hiiraan ku soo bandhigtay qeybta labaad ergadii soo xulay xildhibaanada baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Ergada oo isugu jira jira rag iyo dumar ayaa tiradoodu waxa ay gaareysaa illaa 95 oo ay ku jiraan 11 Dumar ah, sida ay baahisay warbaahinta Al-Shabaab.

Sida ay sheegtay Al-Shabaab ergada ayaa ka kala yimid magaalooyinka Jowhar, Beledweyne iyo Muqdisho.

Sidoo kale warkan ayey Al-Shabaab ku sheegtay in ergadu muddo 10 maalin ah ay ku sugnaayeen deegaanka Buq Aqable, islamarkaana ay Towbad keeneen, sida ay hadalka u dhigtay.

Horay Al-Shabaab ayaa u soo bandhigtay Odayaal ka mid ahaa ergadii wax ka soo xulay baarlamaanka Soomaaliya, kuwaas oo tegay deegaanada ay maamusho.

Arrintan ayaa waxa ay ka dambeysay, kadib markii 15-kii bishii July uu soo baxay bayaan ka dhan ahaa ergada, kaasoo loogu qabtay in ay 45 cisho isku soo diiwangeliyaan.

20-Copy.jpg 01-Copy.jpg 02-Copy.jpg 04-Copy.jpg 05-Copy.jpg 06-Copy.jpg 07-Copy.jpg 08-Copy.jpg 09-Copy.jpg 10-Copy.jpg 12-Copy.jpg 16-Copy.jpg 19-Copy.jpg

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this