Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Hindiya Oo Laga Hor-Istaagay In Uu Ka Duulo Garoon Diyaaradeed Oo Ku Yaalla Pakistan

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Pakistan)-Dowlada Pakistan ayaa diiday codsi uga yimid madaxweynaha Hindiya Ram Nath Kovind si uu isticmaalo garoon diyaaradeed oo ku yaalla Pakistan oo marin u ah duulimaadyada Hindiya.

156788816650e88.jpg

Go’aanka ayaa imaanaya iyadoo uu sii Xoogeysanayo xiisadda u dhaxeysa labada waddan ee xadwadaaga ah oo ku muransan xadka gobolka Kashmir.

Wasiirka Arimaha dibadda Pakistan Shah Mehmood Qureshi ayaa sheegay Sabtidii shalay in madaxweynaha Hindiya uu codsaday in uu isticmaalo garoonka si uu ugu safro dalka Iceland balse ay ka Diideen.

Mr Qureyshi ayaa dhanka kale ka gaabsaday in macluumaad dheeri ah oo ka Bixiyo.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this