Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Trump Oo Joojiyay Wadahadalladii U Dhexeeyay Maraykana Iyo Ururka Taalibaan Ee Afganistan

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)-Qoraal uu soo dhiga bartiisa twitter-ka ayuu Donald Trump gebi ahaanba ku joojiyay wadahadaladi u dhexeeyay Maraykana iyo Ururka Taalibaan ee Afganistan ee ka socday magaaladda Dooxa ee Qadar.

Taliban-740x417.jpg

Sababta uu joojiyay wadahadalada ayuu ku sheegay inay la xidhiidho ka dib Markii Taalibaanku ay qirteen weerar dhawaan ka dhacay Caasimadda Kabul kaasi oo uu ku dhintay askari Maraykan.

Qayb ka mid ah heshiiska ayaan dhigaysay in Maraykanku uu kala baxo Afganistan 5400 askari muddo 20 toddobaad ah. Maraykanka waxaa dalkaasi ka joogta 14 Kun oo Askari.

Tan iyo markii Maraykanka iyo Taalibaan ay bilaabeen wadahadalada waxay yeesheen 9 Kulan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this