Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka maaliyadda XFS oo u ambabaxay dalka Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Wasiirka Maaliyadda X.F.S Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay Magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya, wuxuuna kula kulmi doonaa kooxda wada hadalka danyn cafinta u qaabilsan hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) waxaana laga wada xaajoon doonaa wajiga afaraad ee Barnaamijka  daynta cafinta Soomaaliy (SMP4).

Ujeedada kulanka ayaa ah in si gaar looga wada hadlo wixii Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ay ka qabatay sadaxdii bil ee la soo dhaafay shuruudaha ku xiran wada hadalka dayn cafinta wajiga afaraad , sidoo kale waxaa wadahadalka dhanka xukuumadda Soomaaliya  ka qayb galaya wasiirka Qorsheynta iyo Guddoomiyaha Banggiga dhexe ee Soomaaliya.

Ka hor kulamada wada hadalka dayn cafinta Wasiir Beyle iyo wafdigiisu waxa ay kullamo gooni gooni ah la qaadan doonaan madaxda hay’adaha dhaqaalaha caalamka iyo qaar ka mid ah wadamada daymaha ku leh Soomaaliya, waxaana kulamadaasi looga hadlayaa sidii Soomaaliya looga cafin lahaa daymaha lagu leeyahay.

Wasiirka Maaliyadda Mudane Beyle ayaa raja wanaagsan ka muujiyay wada hadalka ay la galayaan IMF iyo guud ahaan in Soomaaliya laga cafiyo daymaha lagu leeyahay marka uu soo gabagaboobo Wajiga afaraad ee wada xaajoodka dayn cafinta.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this