Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Waare oo kulan la qaatay saraakiil gaartay magaalada Beledweyne

Recommended Posts

Deeq A.   

Beledweyne (Caasimada Online|) – Madaxweynaha maamulka HirShabelle, Maxamed Cabdi Waare ayaa kulan gaar ah la qaatay saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga dalka oo xalay gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta ee gobolka Hiiraan.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi, islamarkaana qaatay saacado badan ayaa  diirada lagu saaray arrimaha amniga iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Ugu horreyn waxaa shirka warbixin looga dhageystay taliyaha qeybta 21-aad ee ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, General Cabdicasiis Cabdullaahi (Qooje) oo marka hore ka warbixiyey u jeedka socdaalkooda iyo sidoo kale howlgallada ka socda gobollada Dhexe.

Taliyaha ayaa sheegay in ay diyaar garow xoogan ugu jiraan howlgallo cusub oo Al-Shabaab looga saarayo guud ahaan maamullada HirShabelle iyo Galmudug.

Dhankiisa Madaxweyne Waare oo kulanka ka hadlay ayaa ku booriyey qeybaha 27-aad iyo 21-aad ee ciidanka Xoogga dalka inay yeeshaan wada shaqeyn dhab ah, islamarkaana ay meel uga soo wada jeestaan dagaalka adag ee lagula jiro Al-Shabaab.

Gobollada dhexe ayaa ka mid ah meeladaha ay sida aadka ugu xoogan tahay Al-Shabaab oo inta badan weeraro ka fuliso gobolladaasi.

55-1.png 11-1.jpg33-1.jpg 22-3.jpg 22-2.jpg 33-1.png 44-2.jpg

Caasimada Online
Xafiiska Beledweyne
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this