Sign in to follow this  
Deeq A.

Howlgallo Ka Socda Shabellaha Dhexe

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabellaha Dhexe, ayaa waxay sheegayaan in ciidanka xoogga dalka ay howlgal ballaaran oo ammaanka lagu xaqiijinayo ka wadaan wadada xiriirisa Balcad iyo Jowhar oo maalmahan dambe kusoo bateen falalka amni darri.

Howlgalkan ayaa sidoo kale waxay ciidanku ku baarayaan Miinooyin, kadib markii shalay qarax uu ka dhacay halkaasi.

Saraakiisha hoggaamineysan howlgalkan ayaa ka gaabsaday in wax faah faahin ah bixiyaan, iyaga oo sheegay iney hadli doonaan saacadaha soo aaddan.

Wadada isku xirta magaalooyinka Balcad iyo Jowhar ayaa inta badan waxaa ka dhaca weeraro ay fuliyaan Al-shabaab.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this