Deeq A. Posted September 8, 2019 Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha JFS, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa sanadkan ka qeyb galaya shirka golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, sida uu xaqiijiyey wasiirka qorsheynta XFS, Jamaal Maxamed Xasan. Wasiirka ayaa sheegay in dowladdu ay u diyaar garoobeyso shirka QM iyo mid kale oo ay bisha soo socota Muqdisho ku yeelanayaan Soomaaliya iyo Beesha Caalamka. Waa markii ugu horreysay ee uu Madaxweyne Farmaajo ka qeyb galayo shirka golaha ammaanka ee QM, tan iyo markii loo doortay xilka Madaxweynaha Soomaaliya. Sidoo kale shirka ayaa ku soo aadaya, iyadoo 1-dii August ee sanadkan uu Madaxweynuhu dib isaga celiyey dhalashadii uu ka heystay dalka Mareykanka. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/jamaal.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites