Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Waare oo la kulmay saraakiil ka tirsan Xoogga dalka

Recommended Posts

Deeq A.   

Beleweyne (SMN) – Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle, Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa kulan xasaasi ah la qaatay saraakiisha qeybta 21-aad iyo kuwa Danab ee xalay gaaray gudaha magalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa waxaa looga hadlay sugida amniga iyo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab

Taliyaha qeybta 21-aad General C/Casiis Cabdullaahi (Qooje) oo kulanka faah faahin ka bixinayay ayaa sheegay inay ka wada hadleen sidii taliska qeybta 21-aad uu HirShabelle gacan uga siin lahaa sidii Al-Shabaab looga saari lahaa deegaanada maamulkaasi.

Ugu dambeyn Madaxweyne Waare ayaa booriyay howlaha ciidanka Xoogga dalka ka wadaan deegaanada maamulkiisa, isagoo sidoo kale bogaadiyay juhdiga ay dowladu ku bixinayso inay wada shaqeeyaan qaybaha 27-aad iyo 21-aad ee ciidamada Xoogga dalka.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:

44 11 22 33

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this