Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: DF SOMALIA oo waqti dheeri ah u heshay xabsi ku haynta Cabdirashiid Janan

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdirashiid Xasan Cabdinuur “Janan” oo la xiray 31-kii August, ayaa wali ku jira gacanta Ciidamada amaanka Soomaaliya, iyadoo aan wali la soo taagin Maxkamad.

Caasimada Online ayaa ogaatay in dowladda Soomaaliya ay codsatay muddo 40 cishood oo dheeri ah, si ay dacwad rasmi ah ugu soo oogto Cabdirashiid Janan oo loo haysto dilal ka dhacay gobolka Gedo.

Sharciga Soomaaliya ayaa diiday in dowladda ay qof muwaadin ah xabsiga ku hayso wax ka badan 48 saac, ayada oo aan dacwado kusoo oogin, waxayse codsan kartaa waqti dheeri oo ah illaa 48 saac, taasi oo loo ogolaaday.

Cabdirashiid Janan  ayaa wax uu ku xiran yahay xabsi ku yaala Xarunta hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA, islamarkaana uusan qorshuhu aheyn in la horgeeyo Maxkamad.

Mr. Janan ayaa ku jira Xabsi guri maalmo kahor laga soo wareejiyay Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur, kaas oo ku dhaxyaala gudaha xarunta hey’adda NISA ee Habar-Khadiijo.

Saraakiil katirsan Ciidamada Booliiska Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in hey’adda NISA lagu wareejiyay Cabdirashiid Janan, islamarkaana kala wareegeen masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya iyo madaxtooyada Qaranka.

“Annaga waa nagala wareejiyay Mr Janan, waxaa la wareegtay Xukuumadda waxaana lagu hayaa xarunta NISA” ayuu yiri Sarkaal katirsan Booliiska Soomaaliya ee gobalka Banaadir oo aan qarinay magaciisa iyo xilka uu haayo.

Dowladda Soomaaliya ayaa 31-kii bishii hore ayaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ka xirtay Wasiirka amniga ee Maamulka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur oo loo yaqaano Janaan, waxaana laga reebay diyaarad kusii socotay dalka Itoobiya oo uu raaci lahaa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this