Sign in to follow this  
Deeq A.

FARMAAJO oo sanadkan ka qeyb galaya shirka golaha ammaanka ee QM

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada ONline) – Wasiirka wasaaradda qorsheynta xukuumadda Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan ayaa shaaciyey in sanadkan markii ugu horreysay uu Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) uu ka qeyb galayo shirka guud ee golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Wasiir Jamaal oo ka warbixinayey shir ay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali iyo wakiilada beesha caalamka ku yeesheen Baydhabo ayaa xaqiijiyey safarka Madaxweynaha magaalada New York.

Madaxweyne Farmaajo ayaa aanan shirkaasi ka qeyb galay, tan iyo markii loo doortay Madaxweynaha Soomaaliya, sababo la xariira dhalashadii Mareykanka ee uu heystay.

Shirka ayaa sanadkan ku soo aadaya, iyadoo 1-dii August ee sanadkan 2019-ka uu Madaxweynuhu dib isaga celiyay dhalashadii uu ka heystay dalka Mareykanka.

Ugu dameyn wasiirka qorsheynta ayaa xusay inay dowladdu u diyaar garoobeyso shirka QM iyo mid kale oo ay yeelanayaan Soomaaliya iyo beesha caalamka, kaas oo uu tilmaamay inuu qabsoomi doono bisha soo socota .

Halkan hoose ka dhageyso Codka.

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/09/jamaal.mp3

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this