Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Ku Xigeenka JSL Oo Daah-furay Shirka Horumarinta Tijnoolojiyadda Oo Hargeysa Lagu Qabtay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta daahfuray Shirka heer qaran ee Cilmiga Tignoolojiyada oo ka furmay Magaalada Hargeysa islamarkaana socon doona laba maalmood oo lagu lafa guri doono horumarka dhanka IT-ga ee Somaliland.

69821967_2369303363183503_11365930869194

Shirkan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tijnoolojiyada ayaa waxaa goob joog ka ahaa guud ahaanba Shirkada waa weyn ee Isgaadhsiinta waddanka iyo shirkada ka shaqeeya arrimaha Tignoolojiyada , muddadaa uu socdo shirkaasi waxaa laysku waydaarsan doonaa arragtiyaha iyo aqoonta kala duwan ee IT-ga iyadoo la filaayo inuu kasoo baxo War-murtiyeed.

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ka hadlay furitaanka shirkaasi ayaa ku bogaadiyey Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tignoolijiyada hanaanka wanaagsan ee ay usoo abaabushay shirkaasi, sidoo kalena waxa uu ku amaanay Shirkadaha isgaadhsiinta doorka muuqda ay ku leeyihiin horumarinta Tignoolojiyada Waddanka.

Madaxweyne ku xigeenku ayaa sidoo kale sheegay in loo baahnaa shirkan si loogu eego halka ay marayso Tignoolojiyada waddanku iyo halka aynu higsanayno, waxaana uu shirkadaha iyo Wasaaradda u rajayey in wakhtiga uu socdo shirkaasi uu kasoo bixi doonaan qodobo muhiima oo guul u ah Qaranka.

Dhanka kale Madaxweye ku xigeenku waxa uu xadhiga ka jaray Carwo loogu talo galay Tignoolojiyada iyo horumarinta IT-ga oo ay shirkadaha kala duwan ee Waddanku kusoo bandhigayeen adeegyadooda kala duwan ee ay bulshada u qabtaan, waxaana uu Madaxweyne ku xigeenka socod kusoo maray dhammaanba goobaha ay shirkadaasi kuoo bandhigayeen adeegyadooda kala duwan, Halkan hoose ka DAAWO

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this