Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliyaha Millateriga Puntland Oo Soo Gaadhay Degmada Xiin-Galool + SAWIRRO

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Xiingalool)-Saraakiil ka mid ah Ciidammada Daraawiishta ee Maamul-gobolleedka Puntland ayaa Maanta gaadhay degmada Xiin-galool ee Gobolka Sanaag.

3.jpg?resize=647%2C430 4.jpg?resize=655%2C435

Saraakiishan oo uu hoggaaminayo Taliyaha Ciidammada Daraawiishta ee Maamul-gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland, Sareeye Gaas Yaasiin Cumar dheere, ayaa gelinkii hore ee Maanta gaadhay degmada Xiin-galool ee Gobolka Sanaag.

6.jpg?resize=698%2C464 7.jpg?resize=700%2C465

Taliyaha iyo Saraakiisha la socotay oo watay Ciidamo badan oo Ilaalo ah, ayaa waxa degmada Xiin-galool waxa ku soo dhaweeyay Dadweynaha degmadaa qaarkood iyo Ardayda Dugsiyada.

8.jpg?resize=712%2C473

Taliyaha Iyo masuuliyiin kale ee la socday oo maalmihii ugu dameeyey safar ku marayey gobolka Sanaag, ayaa u kuur galayey xaaladaha amni ee gobolka iyo kormeerida Ciidamo kasoo goostay Somaliland.

1.jpg?resize=656%2C436 2.jpg?resize=661%2C439

Laakiin, Safarka Taliyaha Ciidammada Daraawiishta Puntland ku marayo deegaannada Bariga Gobolka Sanaag ayaa ku soo beegmaya xilli xiisadda u dhaxaysa Somaliland iyo Puntland ay aad u kacsan tahay.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this