Sign in to follow this  
Deeq A.

Xarunta Shirkadda Korantada Laascaanood Oo Dhismeheeda Qaybo La Baabiiyey

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Laascaanood)-Wasaarada Hawlaha Guud ayaa qaybo ka mid ah dhismaha shirkada korantada baabiiyey kadib markii waddo weyn ay ku beegantay badhtamaha wersheda ayna dhamaatay mudo loo qabtay.

20199763703447284478261620190907_144930.

Dadaal badan oo ay sameeyeen hantiilayaasha shirkada Solpawer oo ay ku doonayeen in wadada lagu joojiyo afaafka dhismaha ayaa la sheegay in uu noqday mid aan shaqayn.

Wasiirka wasaaradda Hawlaha Guud Cabdirashiid Ducaale Qambi ayaa saxaafada u sheegay in aanay jirin wax tanaasul ah oo shirkada loo sameeyey, waxaanu intaas ku saray in waqti dheeraad ah ay siiyeen maadaama ay ku filaan weydey mudo hore loogu qabtay.

Shirkadan oo ah ta keliya ee korantada siisa magaalada Laascaanood ayaa qalabka qoraxda dabka ka dhaliya ku rakibay dhul balaadhan oo ku yaal duleedka waqooyi ee magaalada.

Dadweyne badan ayaa saaka tegey goobta shirkada iyagoo filaayey in jidka si toos ah loo dhex mariyo dhismaha shirkada balse waxaa la jebiyey labada derbi ee isku quman iyadoo badhtan aan la waxba laga qaban, taas oo dadbadan ay ku fasirayaan filim lagu dejinayo dadka wadooyinku saameeyeen oo foodsaaro ka dhiganayey shirkada.

Si kastaba ha ahaatee aragtiyo kala duwan ayaa ka soo burqanaya bulshada Laascaanood oo ku wajahan Hagaajinta daafaha iyo badhtamaha magaalada Laascaanood.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this