Sign in to follow this  
Deeq A.

Gobollad barri iyo Galbeedka Jamhuuriyad Somaliland Dooda Saami-qaybsigu waa gar-tood ee gar-darro kuma ah ?

Recommended Posts

Deeq A.   

Gobollad barri iyo Galbeedka Jamhuuriyad Somaliland Dooda Saami-qaybsigu waa gar-tood ee gar-darro kuma ah ?

Waa mid mudan in la dhegaysto la soo dhaweeyo la dhugto dhamaanba gobolada iyo degmooyinka Jamhuuriyad Somaliland ee ka biyo-diidsan Hananka Kuraasta lagu qaybiyey ee Golaha wakiilada markaan lagu galay doorashadii 2005 , doorasho danbe oo la qabatay aanay jirin oo Golah wakiilada ah . Doorashada 2005 iyo qaacida lagu galay ma aheyn mid laga soo shaqeeyay oo markaan laysku raacay sidaan ku noqonaysa mid rasmiga ah marwal iyo mar kast oo doorasho Golaha wakiilad , timaado la adeegsan doono laguna dhaqmi doono. Hasa yeesha qaacidad iyada ahi waxay ahayeyd mid loo arkay xaalka markaa jiray in wax lagu yagleelo ka dib na laga shaqeeyo hanaan wanaagsan oo hufan oo mug iyo misaan leh oo guud ahaan Jamhuuriyada Somaliland isu dheeli tiraaya .

.

Nasiib-darrad weyn ee dhacaday waxa ay tahay Goliihi wakiilada ee lagu soo doortay qaacidada aan rasmiga aheyn ee lagu waday inay doorashadood ka dib ka shaqeeyaan Xeerarka iyo sharciyada loo bahan yahay ayaa noqday kuwo ku guul-dareystay waxay shaqadoodu aheyd.

.

Sidda oo kale waxa iyaddun si la mid ah guul-darrad golah wakiilada oo kale ku dhaqaaqay Xukumadii xiliga joogtay ee Daahir Riyaale kaahin iyo Xukumadii kale ka danbeysay ee Axmed siilaanyo mid kooda aanu xil iska saarani unna dhaqaaqin wax ka qabshad iyo ka soo bixida kaalinta ah qaacidada Saamiga bud-dhigeedu yahay haddana xukumada Joogta aanay iyadunna dhegaha aad uga fureysanayso iskuna dayey so inay is dhaafiso siddii xukumadii hore balse ay adag tahay in lagga yeelo sidda hadda xaalku u suxul duuban yahay , dareen aad u dhawaaq dheer iyo ummada oo u diaar ah inay wax kast ku bixisa ay diyaar yihiin .

.

Dooda wakhtigeedi dhaafatay ee Maanta si xoogan in loo lafo-gure Gobollad Bariga iyo Galbeedku ba doonayaan ?

.

Doodan iyadda ahi waa mid aad iyo aad u muhiim ah Qaranka guud ahaantii , waanna mid loo bahan yahay in sidda dhabta ah loo dhegeysto , loo dhugto looguna dhaqaaqo dhabad tooska ah ee lagu heli karro jawaabta saxda ee ay u baahan tahay mudan tahay in lagu dhameeyo .

.

Waa dood in badan lays dhaafinayey la sika idho tirayey dib loo dhigay , xalado kale iyo xeelado kale oo aan muhiim aheyn lagu gudbayey balse Maanta ay soo dhaaatay in lagu daaweeyo hadal iyo dood jabban oo aan waxtar u yeelaneyn . Marka ay halka xaalku uu maraayo waxa la gudboon Madaxda Qaranka ku dhamaantood inay wajahan doodan iyadah sidda ugu wanaagsan ee waajibkeeda lagu gudan karro looganna soo bixi karro ku dhaqaaqan iyadd oo meer –meer iyo dib u dhigis iyo hadal aan meel wax ka qabaneyn lagga fogaanaayo runta iyo xaqiiqda lagu hiranaayo.

.

Waa kaalin aad ugu muhiim ah Qaranka dhismida qodobka ay doodani ku qotonto amma bud-dhigeedu yahay sida marka ay tahay dayac iyo xagal daacu ma ah mid ka yimi Bulshadda Gobolada Bariga iyo galbeed Jamhuuriyada Somaliland waa Madaxda Qaranka oo ka soo bixi la,aa buuxinta iyo dhamestir kaalma Muhiim u ah dhimaha Qaranka 15 sandood intaa na ay Gobolada Barri iyo galbeed ba bulshadood muujisay samir iyo dulqaad aad u laxaad leh laakiin Maanta doonaya dooda iyo qodobkeeda muhiim ka ah inay ka soo dhalalan meel marintiisa , waanna u tagaan yihiin .

.

Marka sidda ay uga so bixi lahayeen waa mid u gaar ah Madaxda Qaranka oo ugu horeeyo Madaxweynaha iyo Xukumadiisa Golaha Guurtida ,Golaha wakiilada Xisbiyada Qaranka Aqoon-yahan Gobolada Jamhuuriayad Saomaliland Da,yarta Siyaasinta Dhex-dhexadka h iyo kuwa madax Banaan .

Qisdiga iyo gundhiga ay leedahay Saami qaybsiga iyo qaacidad saxda ah oo la gaadha waa haybad iyo heykalka Qaranka jamhuuriyad Somaliland oo dhisma isla markaan sii adag oo mug iyo xadiid ah u sii adkaanaya . Cid gaar ah u daawo iyo sad-dheeraysi u tahay ma jirto marka lagu eego amma lagu miisaamo Isha Caafimaad ka qabta iyo caqliga waaagsan ee maangalka.

Waxa aan aad u soo dhaweynaay doodah iyaga ah ee Qaacidad saamiga oo Gobolada Awdal iyo Salel Bulshadood qaybo ka mid ah aad xoog u saarayaan inay dareenkood la wadaag Madaxda Qaranka iyo dhamaanba goboladda kale Dalka iyaguna la mid ka siddanna Bulshadda, Awdal iyo salel la qadiyad ah sidda Buuhoodle Sool iyo badhan Taleex iyo Sanaag ba .

Waxa aan rajenaya in la isla aqoonson –doono muhiimad iyo qiimah ay leedahay Qaacidad saxda ah ee lagu qaybinaayo Doorashad golah wakiilada jamhuuriyada Somaliland iyo Qiimaha iyo Sharafta ay Qaranka jamhuuriayad Somaliland iyo Ummadeed dhinac kast oo nolasheen ah iyo dhexdeen ah b waxtar iyo qaderrin iyo midho-dhal dhaxal gal ah ugu yeelanayso . ha lagu dhiirado ayan leeyahay arintan xaas-xaasiga ah ee mug iyo miisaanka leh .

Waa Bilaahi Towfiiq

Abokor I Mohmud

abokorm@hotmail.co.uk

fikrada xorta ah ee Muwaadinka

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this