Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxda dalka Kenya oo isku khilaafay kiiska Badda

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (SMN) – Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa la sheegay inuusan ku faraxsaneyn shaqada wasiirkiisa Arimaha Dibada Monica Juma, waxaana uu qorsheynayaa inuu xilka ka qaado.

Wargeyska The Star ee ka soo baxa dalka Kenya ayaa sheegay in shaqsiyaad awood badan leh oo ku dhow Madaxtooyadda ay ku qanciyeen Uhuru inuu bedelo Monica Juma, oo mudo xilkana heysay.

Waxuu sheegay wargeyska in Uhuru uu aad uga niyad jabay qaabka Monica Juma u maareysay kiiska Badda ee dalkeeda kala dhaxeeya Somalia iyo inay hoos u dhigtay awoodda diblomaasiyadeed ee Kenya.

Khilaafka Uhuru iyo wasiirkiisa arrimaha dibadda ayaa imaanaya, iyadoo Maxkamadda Caalamiga ee cadaaladda ICJ ay khamiistii la soo dhaafay dib u dhigtay dhageysiga dacwadda Badda, taas oo la filayey inay billaabato 9-ka bishan.

Muddo labo bilood oo kale ayaa dib loo dhigay kiiska badda dhageysigiisa, iyadoo la filayo in maxkamadda dib uu furto 4-ta bisha November ee sanadkan.

Marka laga soo tago kiiska Badda, Uhuru Kenyatta ayaa ka cabsi qaba inuu dalkiisa ku guul-dareysto tartanka uu ugu jiro inuu helo kursiga aan joogtada ahayn ee golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey, kaas oo kaga adkaadeen wareegiisa kowaad dalka Jabuuti todobaadkii tagey.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this