Sign in to follow this  
Deeq A.

DF Somalia oo dhaawacyo ka soo qaaday Awdheegle

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta 7 qof oo dhaawac ah diyaarad uga soo qaatay degmada Awdheegle ee gobolka Sh/ Hoose.

Dadkan oo rayid ah ayaa ku dhaawacmay qarax Miino oo todobaadkii hore ka dhacay gudaha degmadaasi, xilli ay ku jireen olole nadaafadeed.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga dalka ayaa sheegay in hadda dhawaacyada dadkaasi oo qaarkood ay daran yihiin lagu dabiibayo M/Muqdisho.

Awdheegle oo dhowaan ka wareegeen ciidamada Milatariga Soomaaliya ayaa waxaa inta badan weeraro iyo qaraxyo ka fulisa Al-Shabaab.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this