Deeq A. Posted September 7, 2019 (SLT-Addis Ababa)-Hay’adda Ka-hortaga Gaajada ee Action Against Hunger waxay shaacisay in 2 ka tirsan shaqaalahooda lagu dilay gobalka Gambela ee dalka Itoobiya. Hadal-qoraal oo ay Hay’adda Action against Hunger soo saartay ayey ku sheegtay in shaqaalahaasi jidka loo galay subaxnimadii Khamiista aheyd ee lasoo dhaafay, xilli ay ku sii jeedeen Xaruntooda lagu quudiyo carruurta nafaqo-darada hayso ee lagu magacaabo Nguenyyil Centre ee Gobalka Gambela. Hay’addaasi oo Itoobiya ka shaqayn jirtay tan iyo sannadkii 1985-kii waxay ku dhawaaqday inay joojiyeen hawshii ay ka wadeen xaruntaasi, marka laga reebo Hawlaha Gargaarka Degdega ah. Dhinaca kale, Ciiddanka Ammaanka ee dalkaasi waxay bilaabeen baadhitaanka dadkii geystay dilkaasi, kuwaasi oo la sheegay inay ka baxsadeen goobtii ay dilka ka geysteen. Source Share this post Link to post Share on other sites