Sign in to follow this  
Deeq A.

Haweeney Aflagaado U Geysatay Madaxweynaha Turkiga Oo Xabsi Lagu Xukumay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Ankara)-Maxkamada dalka Turkiga ayaa muddo 9 sanno iyo 8 bilood ah ku xukuntay haweeney ka tirsan isbaheysiga mucaaradka Turkiga.

156780121581421.jpg

Canan Kaftancioglu, oo xubin ka ah xisbiga Republican People Party oo loo yaqaab (CHP) ayaa lagu eedeeyay inay aflagaadeysay madaxweynaha Turkiga Rajab Thayib Erdogan.

Haweeneydan ayaa dhanka kale lagu helay in barta ay ku leedahay Twitter-ka ay ku aflagaadeysay shaqaalaha rayidka ah ee dowlada.

Garsoorka maxkamada ayaa xaqiijiyay in fal danbiyeedkan ay geysatay intii u dhaxeysay sannadkii 2012-kii ilaa 2017-dii.

Ms oo dhankeeda la hadashay markii ay soo dhammaatay maxkamadeynteeda taageerayaal taabacsan ayaa sheegtay in ayna wax dambi ah laheyn balse xukunkeeda uu ka yimid madaxtooyada Turkiga.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this