Sign in to follow this  
Deeq A.

Qodobbo Cul-culus Oo Ka Soo Baxay Shir Xalay Ka Dhacay Magaalada Boorama Oo Ay Yeesheen Madax-Dhaqameedka, Siyaasiyiinta Iyo Aqoonyahannada Reer Awdal

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Booram)-Shir Magaalada Boorama uga qabsoomay Madax-dhaqameedka, Siyaasiyiinta, Dhallinyarada iyo aqoonyahannada reer Awdal ayaa waxa laga soo saaray War-murtiyeed lagu soo ururiyey qodobbadii lagaga Wada-hadlay.

Awdal.jpg

Shirkan oo Xalay ka qabsoomay Huteel ku yaalla Magaalada Boorama waxa si gaar ah diirradda loogu saaray Saami-qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiillada, waxaana Qodobbada ka soo baxay lagu sheegay in Gobollada Awdal iyo Selel laga qaban karin doorasho, haddaan la sixin Saami-qaybsiga.

War-murtiyeedkan ka soo baxay waxgaradka gobolka Awdal ayaa u qornaa sidan:-

in madaxweynaha talada dalka haya looga fadhiyo inuu diyaariyo madal loo dhan yahay oo lagaga wada tashanayo saami qaybsiga dawladda Somaliland.


Illaa la sugo wadda lahaanshaha dawladda Somaliland lagama qaban karo doorasho gobolada Awdal iyo Selel.


Waddamada daneeya Somaliland waxaanu ka codsanaynaa in war-murtiyeedkaasi si dhow ula socdaan oo fiiro gaar ah u yeeshaan.


Shirkan Madax-dhaqameedka ka qayb-galay waxa ka mid ah Suldaanka guud ee Beelaha Awdal, Suldaan Saleebaan Cali Ismaaciil.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this