Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxay Itoobiya Ka Tidhi Kulanka Biixi iyo Geelle?

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayaa si kooban uga hadashay arrimaha ay ka wada hadleen madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi iyo madaxweynaha Jabuuti Md Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxweyne Biixi oo maalmihii u dambeeyay safar ku joogay Jabuuti ayaa la soo tusay mashaariic badan oo dawladda Jabuuti hirgalisay waxaanu la kulmay madaxweyne Geelle.

Warbixin ay arrimaha gobolka kaga hadasho wasaaradda arrimaha dibadda oo ay Jimce kasta baahiso ayay si kooban ugu soo qaadday arrimaha ay madaxweyne Biixi iyo Geelle ka wada hadleen waxaana warbixinta lagu yidhi:-

“Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle waxa uu la kulmay hoggaamiyaha Somaliland Muuse Biixi iyo weftigiisa oo bookhasho ku yimid Salaasadii (September 3). Labada dhinac waxay ka wada hadleen arrimo door ah oo khuseeya dahana labada dhinac oo ay ka mid yihiin dhaqaalaha, saxaafadda iyo iskaashiga ganacsiga Somaliland iyo Jabuuti. Waa bookhashadii labaad ee Muuse Biixi ku yimaaddo Jabuuti waxaanay imanaysa laba todobaad uun kadib markii Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo wada hadal laba geesood ah la yeeshay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle,”

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this