Sign in to follow this  
Deeq A.

Askari dilay saddex walaalo ahaa oo la xukumay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN)– Todobadii June  sanadkan ayaa lasoo xiray  dable xoogga  Xaashi Cali Maxamuud oo loo heysto dilka Xasan Axmed Abuukar,  Xuseen Axmed Abuukar iyo Cabdullaahi Axmed Abuukar  oo ahaa walaalo, dilkaas oo ka  dhacay degmada Kaaraan   17-ka bishii lixaad 2018.

Xilligaas ayuu isaga baxsaday goobta uu dilka ka geystay Eedeysanaha, waxa ayna ciidamada amniga ku qaadatay soo qabashadiisa sanad iyo dhowr cisho.

26-ka bishii tagtay ayaa  la isugu yimid fadhigii  koowaad ee dhageysiga dacwadda, waxa ay xafiiska xeer ilaalinta Maxkamadda ka hor sheegeen in uu jiray muran dhuleed oo ay sababsadeen Marxuumiinta balse garsoorayaasha ayaa go’aan ku gaaray in lala yimaado cadeymo intaas kabadan.

Dhamme Muumin Xuseen Cabdullaahi ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa  ku dooday in eedeysanaha uu nolosha u aqoonsaday isaga oo miir qaba sedax walaalo ah oo midkoodna aan hubeysneen, waxa uu sidoo kale eedeysanaha u baxay dilka marxuumiinta uu uga safray Afisiyooni  degmada Waabari isaga oo ugu tagay cirifka looga baxo magaalada (degmada Kaaraan).

Qareenka Eedeysanaha ayaa codsaday in ay bixiyaan magta Marxuumka maadaama eedeysanaha ay  reer wadaag ahaayeen Marxuumiinta.

Ugu dambeyn Garsoorayaasha ayaa go’aan ku gaaray in dil lagu xukumo Xaashi Cali Maxamuud oo ah qisaasta Marxuumiinta kala ah Xasan Axmed Abuukar,  Xuseen Axmed Abuukar iyo Cabdullaahi Axmed Abuukar  oo ahaa walaalo sida uu u sheegay dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Go’aanka Maxkamadda waxaa ka furan rafcaan ku’eg Sodon cisha xukunka kadib.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this