Sign in to follow this  
Deeq A.

RW Khayre oo baaq u diray shacabka G/ Galgaduud

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (SMN) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa baaq nabadeed u diray dhamaan shacabka ku dhaqan deegaanada Huurshe iyo Xeraale ee gobolka Galgaduud.

Khayre oo la hadlayey dadweynaha ku nool deegaanadaasi ayaa sheegay inay muhiim tahay in laga wada shaqeeyo nabadda.

Sidoo kale wuxuu ka dalbaday in aysan dib u soo noqon colaadihii in muddo ah ka taagnaa deegaanadaasi.

Khamiistii la soo dhaafay ayey aheyd markii uu Ra’iisul wasaarahu heshiis dhex dhigay bulshooyinka deegaanada Huurshe iyo Xeeraale oo ku yaalla gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this