Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul wasaare Khayre oo ku wajahan magaalada Baydhabo.

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo wafti uu hogaaminaayo ayaa ku wajahan magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Ciidanka ayaa siweyn u adkeeyey ammaanka magaalada, waxaana la xiray inta badan Wadooyinka soo gala xarumaha maamulka Koonfur Galbeed iyo Garoonka diyaaradaha Magaalada Baydhabo.

Khayre ayaa si lamid ah Baydhabo booqan doona deegaamo katirsan gobolka Bakool gaar ahaan magaalada Xudur, isagoona dhagax dhigi doona mashaariic cusub oo goboladaasi laga dhisi doono.

Socdaalka Khayre ee deegaamada Koonfur Galbeed ayaa dib u dhacay Khamiistii la soo dhaafay kadib markii uu dibu dhacay shirka dibu heshiisiinta maamulka Galmudug.

PUNTLANDPOST

The post Ra’iisul wasaare Khayre oo ku wajahan magaalada Baydhabo. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this