Deeq A. Posted September 7, 2019 Baydhabo (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa saacadaha soo socda ku wajahan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Qaban qaabo iyo soo dhoweyn loogu jiro wafdiga Ra’iisul wasaaraha ayaa saaka laga dareemayaa magaaladaasi. Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, iyadoo inta badan la xiray waddooyinka magaalada Baydhabo Safarka Ra’iisul wasaare Khayre ayaa la xiriiro arrimo ay ka mid yihiin amniga iyo dib u habeynta ciidamada. Sidoo kale waxa uu Ra’iisul wasaaruhu booqan doonaa deegaano kale oo ka tirsan gobollada Baay iyo Bakool. K/Galbeed ayaa ah maamulka 1-aad ee taabacsan dowladda dhexe, marka loo eego maamullada kale ee dalka. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites