Deeq A. Posted September 7, 2019 Kismaayo (Caasimada Online) – Dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa sii xoojinaya marba marka ka dambeysa go’doonka degmada Buurdhuubo ee gobolka Gedo, iyagoona dhammaan xiray waddooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa magaaladaasi. Al-Shabaab ayaa sidoo kale la sheegay in ay ganacstada iyo gaadiidleyda uga digeen in ay shixnado geeyaan degmada Buurdhuubo ee gobolka Gedo. Arrintan ayaa waxaa ay sameyn dhanka Bani’aadanimada ah ku yeelatay shacabka ku dhaqan guud ahaan degmadaasi. Wararka ayaa intaasi ku daraya in sare u kac uu ku yimid raashinka quutul daruuriga iyo waxyaabaha kale ee aas aasiga u ah nolosha. Gudmoomiyaha degmada Buurdhuubo, Xasan Muxumed Cali oo la hadlay laanta afka Soomaaliga ah ee VOA-da ayaa qeylo dhaan ka muujiyey xaaladda dhanka nolosha ah ee ka taagan halkaasi. Xasan Muxumed Cali ayaa sidoo kale ugu baaqay Jubbaland iyo dowladda federaalka in ay wax ka qabtaan dhibaatooyinkaasi. Gobolka Gedo ayaa ka mid ah meelaha ay weli ku xoogan yihiin Al-Shabaab oo dagaallo kula jira ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.co Share this post Link to post Share on other sites