Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliyaha ciidanka Daraawiishta Puntland oo booqday taliska ciidanka ee Hadaaftimo.

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliyaha Guud ee Ciidamada Puntland Sarreeye Gaas Yaasiin Cumar Dheere oo kormeer ku tagay Saldhigyada Ciidamada Daraawiishta ee Deeganka Hadaaftimo Gobalka Sanaag.

Sarreeye Gaas Yaasiin Cumar Dheere ayaa kormeeray saldhigyada ciidamada difaaca Puntland ee duleedka magaalada Hadaaftimo isagoona warbixino ka dhegeystey hogaamada iyo taliyayaasha ciidanka.

Taliyaha ayaa ciidanka uga mahad celiyey sida ay heeganka ugu yihiin difaaca dhulkood wuxuuna balan qaaday inay heli doonaan xuquuqda dowladda ay ku leeyihiin.

SAWIRRO

69708121_476638599857653_809004140709334 69495835_476638633190983_287716090325237 69816972_476638699857643_540280889688247 69865867_476638716524308_543397756903882

PUNTLANDPOST

The post Taliyaha ciidanka Daraawiishta Puntland oo booqday taliska ciidanka ee Hadaaftimo. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this