Sign in to follow this  
Deeq A.

Digniin laga soo saaray qarax ka dhici kara Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adaha QM ee ka howl-gala Muqdisho ayaa soo saaray digniin amni oo la xiriirta weerar loo adeegsado qarax baabuur oo oo suurta gal ay tahay in laga fuliyo magaalada.

Qoraal loo diray shaqaalaha QM ayaa lagu sheegay in weerarkaas laga yaabo inuu dhaco 48-ka saac ee soo socda.

Sida qoraalka lagu yiri, Al-Shabaab oo qorsheeneysa inay weerarka u adeegstao baabuur laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa beegsan kartaa baraha kontrool ee magaalada, waddada Maka Al-Mukarama, isgoyska KM4, iyo agaaraha xeebta Liido.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya oo ku aaddan digniintan. Qaar ka mid ah hay’adaha maniga Muqdisho, oo ay la xiriirtay Caasimada Online ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan digniintan.

Digniino noocan oo kale ah oo ay horey u bixiyeen hay’adaha shisheeyaha ee ku sugan Xalane, ayaa waxaa mararka qaar xigay weeraro.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa soo wanaagsanaanayey toddobaadyadii dhowaa, waxaana yaraaday qaraxyada iyo dilalka ay Shabaab ka fuliyaan magaalada Muqdisho, kadib markii hay’adaha amniga ay sare u qaadeen dadaalladooda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com  

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this