Deeq A. Posted September 6, 2019 Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adaha QM ee ka howl-gala Muqdisho ayaa soo saaray digniin amni oo la xiriirta weerar loo adeegsado qarax baabuur oo oo suurta gal ay tahay in laga fuliyo magaalada. Qoraal loo diray shaqaalaha QM ayaa lagu sheegay in weerarkaas laga yaabo inuu dhaco 48-ka saac ee soo socda. Sida qoraalka lagu yiri, Al-Shabaab oo qorsheeneysa inay weerarka u adeegstao baabuur laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa beegsan kartaa baraha kontrool ee magaalada, waddada Maka Al-Mukarama, isgoyska KM4, iyo agaaraha xeebta Liido. Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya oo ku aaddan digniintan. Qaar ka mid ah hay’adaha maniga Muqdisho, oo ay la xiriirtay Caasimada Online ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan digniintan. Digniino noocan oo kale ah oo ay horey u bixiyeen hay’adaha shisheeyaha ee ku sugan Xalane, ayaa waxaa mararka qaar xigay weeraro. Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa soo wanaagsanaanayey toddobaadyadii dhowaa, waxaana yaraaday qaraxyada iyo dilalka ay Shabaab ka fuliyaan magaalada Muqdisho, kadib markii hay’adaha amniga ay sare u qaadeen dadaalladooda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites